Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr; Cabdiraxman Ducaale Beyle iyo Madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa wada hadal ku yeeshay shir ku qabsoomay aaladda fogaan aragga ee Zoom-ka.
Shirkaas ayaa waxaa Guddoomiyay Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud, iyadoona looga hadlay hannaanka geeddi socodka deyn cafinta Soomaaliya oo maraya meel wanaagsan.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay halka uu marayo dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka iyo sharuudaha dhamaystirka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo dalka aad muhiim ugu ah.
Madaxweynaha Cusub Mudane Xasan Sheekh ayaa xusay sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka in la sii waddo dadaalada lagu xaqiijinayo dib- u – habeynta hannaanka maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
Leave a comment