Dowlada soomaaliya oo siweyn u taageereysa ciidan beeleedka hubeysan ee macawisleyda.

Sunday September 11, 2022 - 23:32:55
0 Comments
358
Khadar Weyrah
 
Soomaaliya Dagaalo ayaa ka socda meelo kala duwan, waxaa si xoogleh isku abaabuley Rag labaxey macisley iyo ciidamada dowlada oo gacansiina, waxayna dagaalo aadag kula jiraa ururka Alshabaab.

Muxuu yahey doorka ay maleeshiyada cusubi ee kusoo kordhin karto howlagalada la dagaalan kadhanka ah  ururka Alshabaab.

Dowladihii soo maray Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee tirada badan ee waddanka jooga waxay muddo badan qorsheynayeen in ay Al-Shabaab ka kasaaraan waddanka, laakiin waa ay guuldareysteen, maxaa yeelay Al-Shabaab meelo badan oo waddanka ah ayey wali maamulaan. 

Waxay hadda u muuqataa dowladdan cusub ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh, raisulwasaarana ka yahay Xamza Barre ay go`aan sadeen in ay abuuraan kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab ayagoo taageeraya, hubeynayana dadka degaanka  Arrintan ayaa abuurtay walaac iyo kala aragti duwanaan siyaasadeed mid bulsho iyo caalimaya intaba.

Dadka qaarkiis waxa ay qabaan habka kaliya ee Al-Shabaab looga adkaan karo in tahay in lagu kiciyo dadka degaanka si ay u waayaan kalsoonida deeganada ay maamulaan, halka qaarka kalena ay u arkaan in xalku ku jiro talo mideysan iyo ciidan qaran oo tayo leh. 

Dowladu Waxa ay taageereysaa, xoogana saareysaa in kacdoon bulsho la buuro oo lagu kicinayo dadka degaanka si ay ugu hor imaadaan Dagaalyahanada Al-Shabaab dowladuna ay gacan taageero  siineyso, balse walaaca laqabo ayaa ah cawaaqib ka dhalankara mustaqbal howlgalkan.

Falaanqeeyaasha siyaasada waxa ay tilmaamayaan in khatarka ka imaankarta maleeshiyadan aytahey iney noqdaan oo isku badalaan mooryaan ama Qabqablayaa hubeysan, damcidoona iney saami ka helaan maamulka dalka sidii hore loo arkey,Waa Haddii aan la abuurin nadaam lagu xakameeyo maleeshiyadan iyo hubkooda.

Somaliya waqti dheer waxaa la taageerayey hanaanka ciidamada oo dhankasta ah inkabadan 30kun oo asakar shiisheeye ah ayaa ku sugan iminka wadanka halka dowladaha taageera somaliya ay tababareen ciidan badan oo somaliya ah balse intaa oo dhan xal uma noqon somaaliya iney yeelato amaa  buuxa.

 

Related Items


Leave a comment