Kenya oo ku dhawaaqdey Arin halis ku ah ganacsad iyo dilaaleyda qaadka keenta soomaaliya.

Monday September 12, 2022 - 15:04:19
0 Comments
384
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya, William Ruto ayaa shaaciyey in uu qaadayo tilaabo la xiriirta qaadka Miraa kaas oo loo iib geeyo soomaaliya
Ruto oo ka hadlayey goob ay dadweynaha isugu soo baxeen ayaa sheegay in dhiggiisa Soomaaliya madaxweyne Xasan Sheekh uu kala hadli doono qaddiyada qaadka, si meesha looga saaro walaaca iyo cabashada ay weli muujinayaan ganacsatada jaadka.

Madaxweyne Willian Ruto ayaa ugu niyad qaboojiyey ganacsatada dalkiisa in uu wax badan ka beddeli doono suuqa Miraa, si ay u ballaariyaan ganacsigooda oo muddo hakad ku jiray.

"Aniga ii daaya qaddiyada qaadka Miraa, waxaan kulan la leeyahay todobaadkan madaxweynaha Soomaaliya, si aan ula socono suuqyada Miraa,” ayuu yiri Mr. Ruto.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladdiisa ay xal u keeni doonto arrinta qaadka Miraa, isla-markaana ay la macaamili doonto dhinacyada ay quseyso arrintan.

"Beeraleyda Miraa waa in aysan weligood wal-walin waxaa la macaamili doonaa dhammaan dulaaleyda iyo iskaashatooyinka,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey.

Kenya ayaa diyaarado qaad oo tiro beel ah maalinkasta usoo dhoofisa soomaaliya, inkasta oo sanado qaadku  ka xayirnaa soomaaliya kadib xiriirka laba dal oo xumaadey owgeed qaadka ayaa la fasaxey balse  ganacsada reer kenya wali waxa ay la daalaa dhacayaan sidii ay ooga soo kabsanlahaayeen suuq xumadii ku dhacdey mudadaas

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filiyaa inuu dhowaan u ambabaxo dalka Kenya, isaga oo ka qayb-gali doono caleema saarka William Ruto oo dhacaya 13-ka bishaan September.

Labada madaxweyne oo ku yimid isbeddello siyaasadeed oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Nairobi ayaa ka wadahadli doono arrimaha horyaallo, sida xoojinta xiriirka labada dal.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan uu soo hagaagayo xiriirka labada dhinac, kaas oo aad u hooseeyey 5-tii sano ee la soo dhaafay, waxaana todobaadkan ay Kenya safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya, kaas oo la shaqeynayo dowladda federaalka.

Related Items


Leave a comment