Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Agaasimaha Cusub Ee Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Puntland PSF

Wednesday November 24, 2021 - 16:45:00
0 Comments
12
Ahmed Rajaa
GAROOWE

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu magacaabay Agaasimaha cusub ee Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Puntland ee PSF.

Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii hore ee Hay’adada Nabad Sugida Puntland waxuuna hada agaasime cusub u magacaabay in uu noqdo S/guuto Maxamed Amiin Cabddulalahi Xaaji Khayr .

Halkan ka Akhriso Wareegatada Madaxweyne Deni


Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 ee November 24, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Agaasime Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland.

 
Madaxweynaha Dowladda Puntland.

 
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

 
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragntinimadiisa Ciidanimo.

 
Wuxuu xeeriyey:

 
1-Waxaa S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland.

 
2- Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

                                           DHAMAAD

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment