MW.Xasan sheekh maxamud oo gaarey Kenya, Ujeedada.

Tuesday September 13, 2022 - 10:30:17
0 Comments
399
Khadar Weyrah
By khadar weyrah
By khadar weyrah
Kenya(meeraysane media):
Madaxweynaha Jamhuriyadd Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda dhaarta iyo caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

Madaxweynaha waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.

Madaxweynaha ayaa mid ah wufuuda gobolka iyo caalamka ka kala imaaneysa kuwaas oo ka qey galaya Caleemo saarka madaxweynaha Cusub ee kenya Williom Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahad celiyey soo dhaweynta Madaxda Kenya iyo safaarada soomaiya ay u sameeyeen.
MW Xasan sheekh ayaa inta uu halkaa joogo waxa uu kulamo laqaadan doonaa dhigiisa Ruto waxaana la filayaa iney kawada hadlaan Arimaha xiriirka iyo ganacsiga ee labada dal ka dhaxeeya.

Sikastaba ha ahaatee waa safarkii labaad oo madaxweyne xasan sheekh ku tagayo Nairobi mudo 4bilood ah oo uu yahey madaxweynaha soomaaliya.

Related Items


Leave a comment