Sideed Ruux Oo Geeriyootay17-Ku Dhaawacmay Qarax Saakay ka Dhacay Muqdisho

Thursday November 25, 2021 - 14:15:09
0 Comments
15
Ahmed Rajaa
MUQDISHO

Al-Shabaab ayaa saaka gaari ay ka buuxeen walxaha qarxa la beegsaday Baabuurta ilaalada UN.ka ee Looyaqaano Duguf Security aga-gaarka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Taliska ciidanka police-ka Soomaaliyeed ayaa sheegay in abaarihii 07:32 uu Qarax gaari ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Tarabuunka iyo Guriga Ex.M. Cabdiqaasim gaar'ahaan afaafka Hore ee Iskuulka Mucaasir oo ku yaalla kasoo horjeedka Dugsga sare Banaadir .

Sidoo kale Police-ka ayaa tilmaamay in khasaaraha ka dhashay qaraxaasi uu yahay 8 dhimasho ah iyo 17 dhaawac ah,ka dib markii Gaariga Noociisu ahaa Surf ,oo ka yimid dhanka Tarbuunka uu isku dayey in uu beegsado Baabuurta ilaalada UN.ka ee Looyaqaano Duguf Security.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment