MUXUU AHAA QAABKA DOWLADA FEDERAALKA AH IYO DOWLAD GOBOLEEDYADA DALKU U QAYBSADEEN $100 MALYAN EE BANKIGA ADDUUNKA.

Tuesday September 13, 2022 - 20:37:03
0 Comments
379
Khadar Weyrah
muqdisho(meeraysane media)
War-saxaafadeed ay maanta wadajir u soo saareen wasiiradda maaliyadda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in 50% deeqda Bankiga Adduunka ay khiyaar u leeyihiin isticmaalkeeda dowlad goboleedyada.
Sidoo kale waxaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in lacagtaas 50% lagu bixinayo arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga sida caafimaadka iyo waxbarashada.
Dowlad goboleedyada ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay joojiyeen wadashaqayntii wasaaradda maaliyadda federaalka, kaddib markii ay ku fahmiwaayeen qaybsiga $100 malyan ee Bankiga Adduunka.


Related Items


Leave a comment