R/Wasaaraha Xukuumada Federalka Oo Cambareeyay Weerarkii Kooxda Al-shabaab Ay Ka Geysteen Deg/ Hodan Ee G/Banaadir

Thursday November 25, 2021 - 14:26:44
0 Comments
12
Ahmed Rajaa
MUQDISHO

R/ Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta cambaareeyey weerar kooxda Argagixisadda Al-shabaab ay ka geysteen Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

"Waan cambaareynayaa weerarkii ay argagixisada Alshabaab saaka ka geysteen Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawacba ay ka soo gaareen dad rayid ah oo ay ku jiraan arday,ayuu yiri R/wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble

Ra’iisul wasaaraha ayaa falkaasi ku tlmaamay mid bahalnimo oo caddeyn u ah sida kooxdan qalloocani ay ugu sii talax tageen daadinta dhiigga birimageydada si aan kala sooc lahayn.

R/wasaare Rooble, ayaa Ilaahay uga baryay in uu u naxariisto dadkii wax ku noqday qaraxaasi, isagoo intii ku dhaawacantayna u rajeeyay caafimaad qab, wuxuu sidoo kale eheladii kula dardaarmay samir iyo iimaan.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment