Dowlada MW.xasan sheekh iyo ethopia oo kulmey+faahfaahin.

Tuesday September 13, 2022 - 21:58:47
0 Comments
363
Khadar Weyrah
by khadar weyrah
by khadar weyrah
Adis-ababa(meeraysane media):

Waxaa markii ugu horreysay wadahadallo yeeshay dowlada cusub ee madaxweyne Xasan Sheek iyo Abiy Ahmed ee Itoobiya oo la rumeysan yahay in xiriirkoodu uusan wanaagsaneyn.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa kulan muhiim ah la qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Demeke Mekonnen Hassan.

Kulanka, oo ka dhacay magaalada Addis-Ababa, ayaa waxaa looga hadlay horumarinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo danaha ay wadaagaan labada dal.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday miro-dhal, sida uu sheegay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa sidaas shaaciyey balse mabixin faah-faahin intaas ka dheer, kulankaan ayaa imanaya toddobaad kadib markii ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Itoobiya ay iska fogeysay barnaamij uu baahiyey TV-ga dowladda Itoobiya, kaasi oo diiradda lagu saaray xaalaada Soomaaliya, cinwaana looga dhigay "Soomaaliya waxay soo martay dagaalka sokeeye ee ugu weyn Afrika.”

Wasaaradda ayaa xiligaas qoraal ay soo saartay ku sheegtay in barnaamijkaas uusan matalin siyaasadda dawladda Itoobiya, islamarkaana uusan waafaqsanayn xiriirka labada dal.

Barnaamijkaas ayaa si gaara diirada u saarayey taariikhda Madaxweyne Xasan Sheekh, ilaa markii uu talada yimid sanadkii 2012-kii iyo ilaa hadda oo dib loo doortay 15-kii May 2022. Waxay warbixintu dib u gocatay xiriirkii TPLF oo markaas ka talineysay Itoobiya iyo Xasan Sheekh.

Sikastaba xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa noqdey mid humaag soogakala dhexgaley labada dhinac wixii ka dambeeyey markii Xasan Sheekh uu xilka madaxweyne kala wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saaxiibo iyo xulufo ay ahaayeen Abiy Ahmed.

 

Related Items


Leave a comment