Doorashada Xildhibaanada Barlamaanka Oo Maanta Lagu Qabtay Dhuusamareeb Waxaa Ku Soo Baxay Kusimaha Hay'adda NISA

Thursday November 25, 2021 - 15:01:22
0 Comments
16
Ahmed Rajaa
SAMAREEB
Maanta Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ka dhacday doorashada kursiga sumadiisu tahay HOP067, waxaana kursigan ku tartamayay musharaxiin uu ku jiro taliyaha KMG ee Hay’adda NISA.

Doorashada ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ayaa waxaa ku guuleestay Yaasiin Cabdullaahi Farey oo ah ku simaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Guddiga doorashada ayaa shaaciyay in doorashada kursiga sumadiisu tahay HOP067 uu ku guuleestay Yaasiin Cabdullaahi Farey oo helay 68-cod halka musharaxii la tartamayay ee Maxamed Cali Culusoow uu helay 20-cod waxaana xumaaday 3-cod.


Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment