Armenia
iyo Azerbaijan ayaa sheegay in ku dhawaad 100 askari lagu dilay maalmihii lasoo
dhaafey, kaas oo ka dhashay muranka
gobolka Nagorno-Karabakh.
Mowjadihii ugu dambeeyay ee dagaalka ka socda gobolka ay u badan yihiin
Armeeniyiinta ee Azerbaijan ayaa ku dhammaaday xabbad joojin jilicsan oo uu
dhexdhexaadinayay Ruushka.
Laakiin
Wasaaradda Difaaca ee Baku ayaa sheegtay Talaadadii in "50 askari oo
Asarbayjaan ah lagu dilay sababo la xiriira daandaansi ballaaran oo Armenia
kaga yimid," halka Armenia ay horay u sheegtay dhimashada 49 ka mid ah
askarteeda.
Azerbaijan ayaa ku eedeysay Armenia inay jabisay xabbad-joojinta kadib habeen
isku dhacyo ay socdeen, kaasoo soo cusbooneysiiyay cabsida laga qabo dagaal
kale oo dhan walba ah oo u dhaxeeya labada dal ee isku ah cadowga taariikhiga
ah, Ruushka ayaa sheegay in ay heshiis xabbad-joojin ah dhex dhigeen
dhinacyadii dagaalamay, taasoo keentay in muddo saacado ah ay xaaladu degto,
balse Azerbaijan ayaa markii dambe ku eedaysay ciidamada Armenia inay "si
weyn" u jebiyeen heshiiska.
"In kasta oo lagu dhawaaqay xabbad-joojin tan iyo sagaalkii saac (wakhtiga
Moscow, 0600 GMT), Armenia waxay si xooggan ugu xad-gudbaysaa xabbad-joojinta
xadka, iyadoo adeegsaneysay madaafiic iyo hub kale oo culus," ayay
yiraahdeen ciidamada Azerbaijan.
Armenia ayaa ka codsatay hogaamiyayaasha caalamka in la caawiyo ka dib markii uu dagaalku qarxay, iyada oo ku eedaysay Asarbayjan in ay isku dayayso in ay dhulkeeda qabsato.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u la hadlay hoggaamiyayaasha labada dal Talaadadii, isagoo afhayeenkiisu sheegay in Washington ay "ku ay labada dal ku cadaadin doonto in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, iyo in heshiis nabadeed la dhex dhigo labada dal ee deriska ah."
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Talaadadii lasoo xiriiray dhiggiisa Azerbaijan Ilham Aliyev si uu u muujiyo "walaac weyn" wuxuuna ku boorriyay "in loo soo noqdo ixtiraamka xabbad-joojinta."
Qoomiyada Armenian gooni u goosadka ee Nagorno-Karabakh ayaa ka go'ay Azerbaijan markii Midowgii Soofiyeeti uu burburay 1991. Iskahorimaadkii xigay ayaa galaaftay nolosha 30,000 oo qof.
Leave a comment