Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah Oo Xilka Kala Wareegay Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Arimaha Dibada

Thursday November 25, 2021 - 22:17:17
0 Comments
23
Ahmed Rajaa
MUQDISHO

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta xilka kala Wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, waxaa isna joogay Wasiir Ku-xigeenka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa soo bandhigay qorshihiisa ku aaddan dardar gelinta shaqada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

"Aniga oo ku kalsoon hawl-karnimada iyo tayada hawl-wadeennada Wasaaradda iyo dhamman dublumaasiyiinta Soomaaliyeed, waxaan ku rajo weynahay in shaqada muhiimka ah ee Wasaaraddani ay Qaranka u hayso aan sii labo jibbaarno, kana sii ambaqaadno halka ay maanta joogto.”

Sidoo kale Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ka warbixiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay intii uu xilka hayey, isaga oo Wasiirrada Cusub u rajeeyey sii ambaqaadida waajibaadyada qaran ee horyaalla.

R/Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa bogaadiyey Xil Wareejinta iyo shaqooyinkii uu soo qabtay Wasiirkii Hore, isaga oo Wasiirrada Cusub ugu hambalyeey wajibaadka qaran ee ay qaadeen.

Wasiirkii hore ee wasaarada Arimaha dibada & iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya oo Wareeysi siiyay Tv-ga Universal ayaa shegay xilwareejintii maanta ay ahayd mid kedis ah.

Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment