Ethopia diyaarado dagaalka oo duqeyn xoogle ka geystey Gobolka Tigrey+faahfaahin...

Wednesday September 14, 2022 - 10:32:51
0 Comments
344
Khadar Weyrah
by khadar weyrah
by khadar weyrah
SEP 14(MEERAYSANE MEDIA):

Gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya ayaa lagu garaacay duqeymo cirka ah Talaadadii, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka, laba maalmood kadib markii maamulka TPLF ee halkaas ku sugan ay sheegeen in ay diyaar u yihiin xabbad-joojin.

Duqeynta la sheegay in ay ka dhacday xarunta gobolka ee Mekele ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan hal qof, sida uu sheegay Kibrom Gebreselassie, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan isbitaalka Ayder Referral Hospital, oo ah kan ugu weyn Tigrayga.

"Hal bukaan oo dhaawac ah ayaa soo gaaray Ayder. Wadarta khasaaraha ilaa hadda lama oga,” ayuu ku qoray Twitter-ka.

Jabhadda Tigreega ee TPLF oo dagaal kula jirta ciidamada Itoobiya iyo xulafadeeda muddo ku dhow laba sano ayaa sheegtay in diyaarad aan duuliye lahayn ay duqeysay jaamacadda Mekele subaxnimadii Talaadada, halkaas oo ay ka geysatay khasaare naf iyo maalba leh.

"Tani waxay dhacaysa kadib markii xukuumadda Tigray ay dhistay koox wadaxaajood ah waxayna muujisay inay diyaar u tahay wadahadal nabadeed,” ayuu afhayeenka TPLF Kindeya Gebrehiwot ku yiri boggisa Twitter-ka.

Xukuumadda ethopia iyo jabhada TPLF ayaa mudooyinkii u danbeyey dagaal xooggan ka dhexeyey iyda oo degaanada jabhada cunaqabateen iyo xayiraad culus saartey xukuumadu.

Dhanka kale duqeymahan la soo tabinayo xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmedwali kama hadlin, iyada oo af hayeenka dawladduna aanu ka jawaabin codsiyo la xiriira inay dhinacood ka hadlaan arrintan.

 

 

Related Items


Leave a comment