Labada madaxtooyo ee soomaaliya iyo Kenya oo sii daayey labo war-murtiyeed oo is khilaafsan+FAAHFAAHIN..

Wednesday September 14, 2022 - 19:58:50
0 Comments
303
Khadar Weyrah
by khadar weyrah
by khadar weyrah
SEM 4(MEERAYSANE MEDIA):

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya William Samoei Ruto ayaa Madaxtooyada dalkaas ku yeeshay kulan lagu sheegay miro dhal sida ay baahisey madaxtooyada soomaaliya kaa oo ku saabsanaa xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee dariska ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay madaxweyne William Ruto inay dowladdiisa ka go’an tahay in ay heshiis buuxa la yeelato dhammaan dalalka Gobolka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in labada Madaxweyne ay isla qaateen qodobbo xoojinaya iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal.

Madaxtooyadu waxay sheegtay in madaxdu isla garteen in la sii amba-qaado heshiisyada fududeynta socdaalka, dhiirri-gelinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, dagaalka ka dhanka argagixisada, isbeddelka cimilada iyo saboolnimada.

Warka kasoo baxay madatxooyada Soomaaliya ayaa kusoo aaday saacado kadib markii madaxtooyada dalka Kenya ay sheegtay inay labada madaxweyne kawada hadleen arrimaha amniga iyo ganacsiga Qaadka Miirawga.

dhankakale madaxweynaha kenya ayaa qoraal uu soo dhigey bogiisa gaar ah ee facebookga ku shaaciyey in uu ajendaha koowaad ahaa ganacsiga Qaadka,

Related Items


Leave a comment