MW xasan sheikh maxmud oo safrey newyork+Faahfaahin..

Wednesday September 14, 2022 - 22:54:17
0 Comments
342
Khadar Weyrah
by khadar weyrah
by khadar weyrah
SEP 4(MEERAYSANE MEDIA):

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Maraykanka, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Meertadan oo soconaysa inta u dhaxaysay 13-ka ilaa 27-ka Bishan ayaa lagaga arrinsanayaa yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka laga tirade badan yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey waxay hordhigayaan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriirata la dagallanka saboolnimada, isbadalka cimalada iyo arimaha amniga gobolka.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhibaato badan kala kulmaya argagixisada iyo saboolnimada, waxaana la joogaa xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi, halkaas oo shalay uu uga qeyb galay caleemo saarka madaxweynaha 5-aad ee dowladda Kenya, sidoo kale maanta ayuu kulan gaar ah la qaatay dhigiisa cusub William Ruto, halka uu isla caawa uu u dhoofey mareykanka.

Related Items


Leave a comment