Abdirihman A Warsame oo sheegey inuu doonayo in indhaha caalamka oo kusoo jeediyo wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya.

Thursday September 15, 2022 - 16:35:37
0 Comments
353
Khadar Weyrah
by khadar weyrah
by khadar weyrah
SEP 15(MEERAYSANE MEDIA):

Ergeyga abaaraha Soomaaliya oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa shaaciyey inuu caalamka kusoo jeediyo wax ka qabashada dhibaatada abaraha ka jira Soomaaliya iyo in gargaar dheeri ah la helo.

Cabdiraxmaan Cabdiraxamaan Cabdishakuur oo wareysi siiyay wakaalada wararka ee AFP, ayaa sheegay inay malaayiin qof halis ugu jiraan inay macaluul u dhintaan guud ahaan Soomaaliya.

Ergayga abaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay inay ka jirto abaartii ugu darnayd muddo afartan sano ah kadib afar xilli oo roobaadkii ay di’i waayeen, taasoo uu sheegay inay sababtay in xoolihii iyo dalaggii ay dhammaadaan.

"Waxaan halkan u joognaa olole aan ugu soo jeedineyno dareenkiinna dhibaatada baaxadda leh iyo heerka ay marayso masiibada bini'aadannimo ee Soomaaliya," ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u sheegeay wakaaladda wararka ee AFP.

kulamo uu la yeeshay hay'adaha Qaramada Midoobay iyo dalalka xubnaha ka ah tan iyo bilowgii toddobaadka, ayuu sheegay in weli farqi weyn" uu u dhexeeyo gargaarka la ballanqaaday iyo baahida dhaqaale ee Soomaaliya.

 

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay dhamaadkii bishii Ogosto inay heshay 67% ka mid ah 1.5 bilyan oo doolar oo ah gargaarkii loogu talagalay dadka ay abaarahu saameeyeen Soomaaliya.

 


Related Items


Leave a comment