Wasaarada Kaluumeysiga Iyo Badda iyo midowga yurub oo Arimo xasaasiya...Fahfahin.

Thursday September 15, 2022 - 20:01:30
0 Comments
409
Khadar Weyrah
By khadar weyrah
By khadar weyrah
SEP 15(MEERAYSANE MEDIA):
Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane H.E Ahmed Hassan Aden ayaa kulan la qaatay dan jiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya marwo Tiina Intelmann.

Wasiirka iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay doorka taageerada Midowga Yurub ee horumarinta dhaqaalaha ee dhinaca kalluumaysiga, Awoodaha xoojinta amniga badda, Muhiimadda ay leedahay horumarinta qaybta kobaca dhaqaalaha iyo sugnaanta cuntada.

Marwo Tiina Intelmann ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay xiriir wadaashaqeyneyn la yeelato wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda si lamid ah wasaaradaha kale ee dalka islamarkaana ay daneynayaan in ay kaalin ka qaataan horumarinta wax soosaar ka gudaha gaar ahaan kalluumeysiga.

Wasiir Ahmed ayaa uga mahadceliyey danjiraha midowga Yurub kaalinta wax ku ool ka ah ee ay ku leeyihiin horumarrada ka socda dalka, isaga oo xusay in ay diyaar u yihiin ka wasaarad ahaan sidii iskaashi wadashaqeyneyd oo muhiim ah ula yeelan lahaayeen Safaaradda iyo dhinacyada kale ee ku foogan horumarinta wax soosaar gudaha.

Related Items


Leave a comment