Maxey kawada hafdleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Antony Blinken+FAHFAAHIN..

Saturday September 17, 2022 - 12:10:55
0 Comments
363
Khadar Weyrah
by khadar weyrah
by khadar weyrah
SEP 14(MEERAYSANE MEDIA):

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii danbe kusugan waddanka Mareykanka ayaa kulamo gaar gaar ah ka wada magaalada Washington, kuwaas oo uu la leeyahay madaxda sare ee dowladda Mareykanka.

Xasan Sheekh ayaa xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ee Washington wadahadallo kula yeeshay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalkaas Antony Blinken.

Hogaamiyah soomaaliya iyo xoghayaha ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid ah yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee ay dowladda Mareykanka siiso Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Antony Blinken kala hadlay in dowladiisa lagu garab istaago qorsheyaasha horumarineed iyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Madaxweynagha ayaa si gaar ah dul-istaagay muhiimada ka hortagga xaalufka deegaanka, dadaalka dowladda Soomaaliya uga hortagayso macluusha iyo howlgalada billowday ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo haatan ka socda koonfurta iyo bartama Soomaaliya.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa dhankiisa ballan-qaaday in ay sii laba jibaarayaan taageerada ay dowladdiisa siiso Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dowlad dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka Al-Shabaab, maadaama uu Mareykanka qayb ka yahay howlgallada dalka.

MW xasan sheekh ayaa wada dadaalo uu wadamada reer galbeedka oo u horkacayo mareykanku uga dhaadhicinayo iney sii wadaan kaalmada dhaqaale, wada shaqeynta arimaha amaanka  iyo xoojinta xiriirka ay la leeyhiiyihiin dowladda soomaaliya.

Related Items


Leave a comment