DEG DEG Amar Culus O ka soo baxey gudoomiyaha cusub gobolka banaadir+Faahfaahin

Saturday September 17, 2022 - 14:16:51
0 Comments
368
Khadar Weyrah
By khadar weyrah
By khadar weyrah
SEP 17(MEERAYSANE MEDIA)
Guddoomiyaha ayaa si KMG ah u hakiyay dhammaan arrimaha la xariira Dhulalka, isagoona  faray Agaasimeyaasha shaqada ku leh Waaxahaas in illaa iyo amar danbe aan howllo la xariira dhul la qaban karin. Marka laga reebo Fasaxa Dhismaha.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ku celiyay in dhulalka iyo guryaha danta guud ee horey loo hakiyay ay weli sidoodii ugu jirayaan hakad, isagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in aan kharash la iska gelin dhul dan guud ah, cidii ku dhiiratana ay iyadi qaadi doonto mas'uuliyadda.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee guryaha ku leh Caasimadda Muqdisho in ay iska hubiyaan cidda ay ka kireynayaan guryahood, isla markaana ay mariyaan nidaamka hubinta, si aysan ugu soo dhuuman kooxaha Amani darada wada, ciddii aan marin nidaamkaas oo lagu qabto guryahooda shaqsiyaad Codowga la shaqeysta dowladdu tilaabo ayey  ka qaadi doontaa mulkiileyaasha guryahaas.

Dhanka kale, Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa boggaadiyey Howlgalladii ugu danbeeyay oo ay Laamaha Ammaanka ka fuliyeen Caasimada Muqdisho, taas oo lagu soo qab-qabtay kooxo dhagar-qabeyaal ah iyo hubkooda, laguna fashiliyey dhagartii ay u maleegayeen dadka ku nool Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda in ay sii xoojiyaan la shaqeynta hay'adaha ammaanka, si wadajir looga hortago qatarkasta oo ka imaaneysa cadowga.

Related Items


Leave a comment