Daawo: Muuse Biixi oo Si Caro leh oo jawaab ka bixiyey hadalkii XASAN SHEEKH+FAHFAAHIN..

Sunday September 18, 2022 - 09:42:36
0 Comments
431
Khadar Weyrah
By khadar weyrah
By khadar weyrah
SEP 18(MEERAYSANE MEDIA):
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Si adag uga jawaabey  hadal ka soo yeeray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo go’aan adag ka qaatay qaddiyadda Somaliland, isla-markaana sheegey inay ka go’an tahay in aysan marna aqbali doonin in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa ka horyimid hadalka madaxweyne Xasan Sheekh oo haatan ku sugan dalka Mareykanka, wuxuuna sheegay in nin Xamar jooga aan waxba laga weydiin doonin arrimaha Somaliland, isaga oo intaasi ku daray inay 30 sanno yihiin qaran madax bannaan.

"Xasan Sheekh iyo Xamar nin joogo waxba laga weydiin maayo qaddiyadda Somaliland, 30 sanno qaran madax bannaan ayeynu nahay,” ayuu yiri Muuse biixi cabdi madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in hadalka ka soo yeeray Xasan Sheekh Maxamuud uu abuurayo cadaawad horleh oo dhex-marta Soomaaliya iyo Somaliland

"Hadalkaa aad tiri cadaawadduu kordhinayaaa aqli xumana way tahay 30 sanno ayeynu kala maqneenee waxaa ka wanaagsanaa inaad tiraahdo oo ku leenahay laba dowladood oo jaar ah oo walaalo ah oo Soomaaliyeed ma ahaanaa?” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Biixi.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray "Somaliland soo baro waa gob, xormaa deeqda ee caloosha ma deeqdo wax ay geliyaan,”.

Hadallada kul-kulul ee ay hawada isku mariyeen labada dhinac ayaa uga sii daraya xiisadda Soomaaliya iyo Somaliland oo horey u yeeshay wada-hadallo kala duwan.

Si kastaba, Somaliland ayaa 18-kii bishii May ee 1991-dii ku dhawaaqday in ay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.

Related Items


Leave a comment