Daawo: Xamse cabdi bare oo si kulul ooga hadley alshabab….

Monday September 19, 2022 - 22:17:31
0 Comments
377
Khadar Weyrah
SEP 19(MEERAYSANE MEDIA):

Hogaamiyaha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta shir guddoomiyay kulanka tiirka xoreynta iyo sugida amniga, kaasoo looga hadlay howlgalada culus ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Kulanka ayaa la sheegay in lagu soo bandhigay qorshaha dib u xoreynta deegaanada ay ku sugan yihiin Al-shabaab iyo sidii loo xasilin lahaa goobaha laga xoreeyo, si loo gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyadii bulshada oo in mudo ah hortaagnayeen Al-shabaab.

"Ciidamada geesiyaasha ah oo kaashanaya bulshada ayaa ku guuleystay xoreynta deeganno ay ku dhuumaaleysanayeen nabad diidka, waana muhiimadda baraarugga shacabku uu u leeyahay qorshaha xoreynta dalka” ayaa lagu yiri qoraalkan oo ka soo baxay Xafiiska Reysul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Hay’adaha Amniga iyo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalada ay ugu jiraan sidii ay u xaqiijin lahaayeen Amniga Bulshada, isagoona sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’antahay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

Dhinaca kale raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook kuso qoray hadal kooban oo u muuqday mid jawaab u ahaa hadalkii kasoo baxay Afhayeenka shabaab ee ahaa dagaalka dowladda ay iclaamisay iyo kacdoonka shacab ee ka socda qeybo ka mid ah gobolada dalka.

"Marka Cadaw dagaal lagula jiro waa la xanuunjiyaa, markuu xanuunsado waxaa lagu gartaa jawaabta uu bixiyo, hadii jawaabtiisa noqoto mid naf la caari ah, micnaheedu waa cadawga wuu dhintee haka harina" ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Facebook ee raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Si kastaba ha ahaatee waxaa gobolada Hiiraan, Galgaduud, Baay iyo Bakool ka socda dagaalo xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo gacan ka helaya dadka deegaanka iyo Al-shabaab.

Related Items


Leave a comment