Daawo:MW Xasan Sheekh oo olole laba weji leh ka dhex bilaabay shirka QM

Wednesday September 21, 2022 - 10:31:39
0 Comments
318
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
SEP 21(MEERAYSANE MEDIA)
Madaxweynaha  Xasan Maxamuud oo ku sugan wadanka Mareykanka ayaa ka qayb-galay furitaanka Meertada 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo ka furantay magaalada New York.

Shirka ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saarayaa arrimo ay ka mid yihiin yareynta saboolnimada xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo sidoo kale xuquuqda dadka la hayb sooco.

Xasan Sheekh oo la filayo inuu khudbad ka jeediyo shirka QM ayaa soo bandhigi doono aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasiloonida iyo nabadda, dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, wax ka qabashada abaaraha iyo gurmadka deg-degga ah iyo caqabadaha ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Shucuubta Gobolka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale olole laba weji leh ka dhex bilaabay golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, kaas oo ku aadan qorshaha dowladda ee la la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, sida ay shaaca ka qaaday Villa Soomaaliya.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa ka wada Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey Olole ku aaddan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed ay kala soo kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda iyo guud ahaan Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay New York kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda ka qayb-galeysa shirka QM iyo ururada caalamiga ah ee madasha ku sugan, isaga oo kala hadli doono xaaladaha adag ee haatan ka jira dalka.

Soomaaliya ayaa wakhti xaadirkaan ku sugan xaalado daran oo abaaro ah taa oo wadanka ku habsatey iyo dagaalo gobolada qaar ka socda, hogaanka soomaaliya ayaa doonaya inuu indhaha caalamka ku soo jeediyo soomaaliya.

Related Items


Leave a comment