DEG DEG: Soomaaliya oo sii dhowaanaysa Masar iyo Itoobiya oo walaac qabta go'aankaas.

Thursday September 22, 2022 - 16:06:21
0 Comments
337
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
SEP 22(MEERAYSANE MEDIA):
Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa isku soo dhowaanaya xilli Itoobiya ay kor ka eegeyso isbaheysiga Muqdisho iyo Qaahira.

Reysul wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa shalay ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Al-Saciid Axmed Al-Baz.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa waxa diirada lagu saaray xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Danjiraha dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Al-Saciid Axmed Al-Baz ayaa bogaadiyay dadaallada ay waddo xukuumadda Dan-Qaran ee uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulankan ayaa yimid laba bilood kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqday Qaahira, halkaasi oo uu wada-hadallo kula soo yeeshay dhiggiisa Cabdifataax al-Sisi.

Kulankaas ayaa horseeday in dowladda Itoobiya ay baajiso safar la qorsheeyey in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu ku tago Addis-Ababa, kaasi oo aan weli dib loo waqtiyeyn.

Masar ayaa isku dayeysa inay Soomaaliya u adeegsato inay qeyb ka noqoto cadaadiska la saarayo Itoobiya oo biyo-xireen ka sameysay webiga Nile, oo halis ku ah malaayin Reer Masar oo webigaas ka hela biyaha ay isticmaalaan.

Intii uu socday kulankii Xasan Sheekh iyo al-Sisi, Masar ayaa sheegtay inay isku raaceen in la cambaareeyo buuxinta biyo-xireenka ayada oo aan heshiis lagu ahayn, taasi oo Villa Somalia ay markii dambe beenisay.

Dhowaan, taleefishinka ETV ee dowladda Itoobiya ayaa laga sii daayey barnaamij si aad ah loogu weeraray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Barnaamijkaas ayaa waxaa markii dambe ka daba timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo qoraal ay soo saartay ku sheegtay in barnaamijkaas uusan matalin siyaasadda dawladda Itoobiya, islamarkaana uusan waafaqsanayn xiriirka labada dal.

Sikastaba falaaqeeyaasha siyaasada gobolka geeska africa ayaa tilaamaya in xiriirka dalalka ethopia iyo soomaaliya sii xumeyn karto, waa hadii soomaali ay qaadato go'aan hal dhinac ah kaas oo siyaasada Masar cayilanaya.

Related Items


Leave a comment