Daawo: Imaaraadka Carabta oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya.

Thursday September 22, 2022 - 16:23:48
0 Comments
301
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
SEP 22(MEERAYSANE MEDIA)
Boqortooyada Imaaraadka Carabta ayaa maanta safiir cusub u soo magacowday arrimaha Soomaaliya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka waddankaasi ee Emirates News Agency.

Safiirka cusub oo lagu magacaabo Ahmed Juma Al Rumaithi ayaa beddalaya danjirihii hore ee Abu Dhabi u qaabilsanaa Soomaaliya, Mudane Mohamed Ahmed Al-Othman.

Al Rumaithi oo la filayo inuu dhowaan soo gaaro magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu hor dhaariyey madaxweynaha dalka Imaaraadka Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, si uu noqdo safiirka cusub ee dalkaas u qaabilsanaan doono arrimaha dalka Soomaaliya.

Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa u rajeeyay safiirka cusub inuu Eebbe la garab galo shaqada loo igmaday, isaga oo sidoo kale kula dardaarmay in uu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa haatan xiriir xoogan la leh dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashadiisii ugu horreysay ku tegay, kadib markii uu ku soo baxay doorashadii ka dhacday Teendhada Afisyooone oo uu kaga adkaaday Maxamed Farmaajo.

Isbeddalkaan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan Imaaraadka uu Qatar kaga adkaaday loolanka Soomaaliya, taas oo 5-tii sano ee la soo dhaafay aad ugu dhoweyd Farmaajo.

Dowladda Imaaraadka ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed oo sida u dhow u taageero Soomaaliya, waxaase uu xiriirka hoos u dhacay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay dowladdii Farmaajo iyo iyaga, balse xiriirkii xumaaday ayaa markale haatan dib u soo hagaagay, kadib markii uu talada waddanka dib ula wareegay madaxweyne Xasan Sheekh.

Sikastaba imaaraadka waxa ayaa horey u tababari jiray qaar ka mid ah ciidamada militariga Soomaaliya kahor inta aanay isku dhicin dowladdii Farmaajo bishii April 2018, taasi oo keentay inay xiraan saldhiggoodii militari ee ku yaallay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Related Items


Leave a comment