Daawo: Muxuu Ku qeexey Madaxeyne Xasan sheekh dagaalada ka socda soomaaliya.

Saturday September 24, 2022 - 09:51:43
0 Comments
323
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
SEP 24(MEERAYSANE MEDIA):
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Xogahayaha Qaramada Midoobey António Guterres ayaa kala hadlay gargaarka degdegga ah ee abaaraha iyo mashaariicda hormarineed ee laga fulinayo dalka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo xasilloonida dalka, waxa uuna la wadaagay Xoghayaha Qaramada Midooobay, halganka dalka ka socda ee ay ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo Alshabaab wuxuuna ku qeexay "halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka.”

Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa soo dhaweeyey aragtida Madaxweynaha ee la xiriirta dib u qaabeynta mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxa uuna tilmaamay in talooyinka iyo soo-jeedinta Madaxweynaha ay ku saleynayaan qorshahooda, sidoo kalena ay dardar gelinayaan doorka Beesha Caalamka ee gurmadka abaaraha.

António Guterres ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay horumarinta hannaanka dhaqaalaha, deyn cafinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xal u helidda duruufaha soo laalaabtay oo ay ka mid tahay abaaraha iyo fataahadaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sikastaba DFS ayaa wada dadaalo lagu nabadeynayo qaar kamida gobolada dalka oo waqti dheer la ildaran xaalado amni xumo.

Related Items


Leave a comment