Muxuu Salka ku hayaa Dagaalka ka dhex qarxey Siciid Deni iyo Xukuumadiis.

Saturday September 24, 2022 - 10:10:15
0 Comments
367
Khadar Weyrah
SEP 24(MEERAYSANE MEDIA):
Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Puntland Siciid cabdulahi Deni ayaa caawa xilkii ka qaaday wasiirkii maaliyadda Puntland Xasan Shire Agaal, oo lagu tilmaamo inuu ahaa wasiirkii ugu saamaynta badnaa Puntland.

Xilka ka qaadista xasan Shire Abgaal ayaa qeyb ka ahayd isku shaandhayn iyo magacaabis uu madaxweynaha Puntland ku sameeyay golihiisa wasiiradda, Waxaa xilka wasiirka maaliyadda loo magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha Puntland.

Cabdi Faarax Siciid Juxa oo horey usoo noqday wasiirkii arimaha gudaha Soomaaliya ee dowladdii madaxweyne Farmaajo, ayaa hadda loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii Caddaalada Puntland, Cawil Sheikh Xaamud. Waxaa lagu beddelay Maxamed Cabdiwahaab Axmed.

Waxaa sidoo kale xilkii laga qaaday wasiirkii qorshaynta Puntland, Jamaal Yuusuf Carab oo muddo 6 bilood ah joogay xafiiska. Waxaa lagu beddelay Maxamed Siciid Faroole oo uu adeer u yahay senator  Cabdiraxmaan Faroole.

Jamaal Yuusuf Carab oo laga qaaday wasiirkii qorshaynta, ayuu madaxeyne Deni u magacaabay taliyaha hay'addka Sirdoonka Puntland ee PISA. Waxaa lagu beddelay Mukhtaar Jeyte oo xilkaas hayay, dhawaana shaqadii laga joojiyay.

Isbeddelkaan uu madaxweyne Deni sameeyay ayaa kusoo aaday iyadoo wax ka yar sannad iyo badh ay ka ka dhiman tahay doorashada madaxtinimada Puntland oo ku beegan january 2024.

Related Items


Leave a comment