Daawo: Degaan cusub oo maanta lagala wareegay ururka Al-Shabaab.

Sunday September 25, 2022 - 22:06:26
0 Comments
328
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
SEP 25(MEERAYSANE MEDIA):
Ciidamada DFS oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa saacadihii ayaa maanta galinkii danbe howlgalo kula wareegay deegaano badan oo ka tirsan gobollada Hiiraan, Bay iyo Galguduud.

Tuulooyin badan oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa maanta lagala wareegay Al-Shabaab, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Saraakiisha ciidanka dib u xoreynta deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa Idaacadda VOA u sheegay in deegaano badan ay maanta kooxda Al shabaab ka fara maroojiyeen, iyagoo wacad ku maray in gobolka oo dhan ay ka xoreyanayaan Al-Shabaab, maalmaha soo socda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye ayaa sidoo kale hoggaaminaya ciidan dhinaca Baxdo saakay duulaan uga qaaday kooxda, kuwaas oo ugu yaraan 10 deegaan kala wareegay Al-Shabaab.

Sikastaba ciidamada soomaaliya iyo dadka deeganada qaar oo is abaabuley ayaa wada dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Alshabaab.

Related Items


Leave a comment