Villa Soomaaliya Soomaaliya oo ganafka ku dhufatey warar laga faafiyey kacdoonka Shacabka.

Monday September 26, 2022 - 10:27:13
0 Comments
402
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
MEERAYSANE MEDIA
(MUQDISHO):La-taliyaha amniga xafiiska  madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin ayaa beeniyey dacaayadda ay faafinayaan qaar ka mid ah dadka kasoo horjeeda kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ah in dowladda ay hubeyneyso qabiilo gaar ah.

Qabiil Soomaaliyeed oo dowladda Soomaaliya hub siisay ma jiro, keliya dowladdu waxa ay siisaa rasaas macowiisleyda, dhaawacoodana waa la daweeyaa,” ayuu yiri la-taliyaha madaxweyne Xasan Sheikh ee amniga qaranka.

Xuseen Macallin ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay iyadu haatan hoggaaminayso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya, beeluhuna ay gacan siinayaan.

Hadallada Xuseen Macallin ayaa yimid kadib markii qaar kamid dadka isticmaala baraha bulshada saameyntana kuleh ay tilaameen hadalo u muuqdey in dowladu hubeyneyso beelo gaar ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa horey uga digay in Al-Shabaab ay isku dayi doonto inay dagaalka u rogto beel duulaan ku ah beel kale, si ay isaga horkeento beelaha soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sikastaba ha ahaatee waxaa koonfurta iyo bartamaha soomaaliya ka socda dulaano ay isga hor imaanayaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa macawisley oo isku dhinac ah iyaga oo fooda isdarey dagaalyahanada kooxada Alshabaab, ilaa hada deegaano badan ayaa lagala wareegey ururka Alshabaab intii howlgaladu socdey.

Related Items


Leave a comment