DEG DEG: Koonfur Galbeed, ciidamada dowlada oo qarka u saaran deegaan muhiim u ah ururka Alshabaab.

Wednesday September 28, 2022 - 10:01:02
0 Comments
355
Khadar Weyrah
Meeraysane media
(MUQDISHO):Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed oo garabsanaya dadka deegaanka ayaa ku sii dhawaanaya deegaanka 20tan Jirow ee Gobolka Baay, kadib markii ay shalay ka ka sii tilaabsadeen deegaanka Saydhaalow, oo Isniintii ay kala wareegeen Al-Shabaab.
Deegaankan oo uu ku yaalo midkamida  saldhigyada waaweyn ee Alshabaab ku leeyihiin Gobolka Baay, sidookalana uu ku yaalo xabsiga caanka ah ee 20jirow kaas oo Baydhaba u jiro qiyaastii 60km.

Gulufka ku wajahan 20 Jirow ayaa waxaa horkacaya xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka iyo wasiiro ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur, oo ka mid ah masuuliyiinta hoggaaminaya hawlgalkaasi, ayaa sheegay in duulaankoodu uu ku wajahan yahay 20 Jirow.

Wasiirka ayaa dhanka kale beeniyay warar uu sheegay inay Shabaabku ku baahiyeen barraha bulshada, oo ay ku sheegayeen geeridiisa.

"Meesha aad joogtaan ee Labaatan Jirow ayaanba idinkugu imaanaynaa. Horaan idiin kugu sheegay Saydhaalow anigaa ka khudbadaynayo ama Cali Dheeraa ka khudbadeynayo wax ka dhaxeeyo maleh, teena ayaa fulayso, horeyna waan idiin kugu sheegay, wayna dhacday,” ayuu yiri.

Xildhibaan General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in iyaga iyo Al-Shabaab ay ku dagaalamayaan aagga Labaatan Jirow, dagaalkuna uu bilow yahay.

"Dagaalka hadda waa bilow, goobo badan baan rajeynaynaa inaan ku duulno, kana qabano nimankan,” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka.
Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa ku fidaya gobollada kale ee dalka. 

Shalay oo ugu dambeysay Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa hawlgalo ka bilaabay deegaano dhowr ah, oo hoostagga magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Related Items


Leave a comment