Daawo: Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirk caalami ah..FAAHFAAHIN.

Wednesday September 28, 2022 - 20:35:40
0 Comments
348
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Meeraysane media
(CANADA):Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya, Xil.Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaaminayso ee Dawladda Soomaaliya ayaa ka qeybgalay furitaanka shir weynaha caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka.

Tiro gaareysa 3000 oo ergo ah oo ka kala socda Dawladaha Xubnaha ka ah ICAO iyo wakiillo ururrada caalamiga ah ayaa ka qeybgalay furitaanka shirkan oo ah fadhiga 41-aad ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka ICAO, kaa oo maanta ka furmay magaalada Montreal ee Dalka Canada , wuxuu soconaya 27 Sebt - 7 Oct, iyadoo looga hadlayo muddadaa qodobbo mudnaan u leh horumarinta,xiriirka, iskaashiga Hawada iyo saameynta COVID-19. 
"Soomaaliya oo ka mid ah dalalka codka ku leh ICAO , waxay shir weynahan uga faa’iideysanaysaa sii amba-qaadida horumarrada la boggaadiyay ee Duulista Hawada iyo iskaashiga caalamiga ah.” Wasiir Fardowsa ayaa sidaa sheegtay.

Xil.Fardowsa Cusmaan, ayaa sidoo kale xaqiijisay in shir weynaha lagu soo bandhi doono guulaha iyo dadaallada horumarin ee Soomaaliya ay ka gaartay Duulista Hawada, waxaa kalo ay kulan doceedyo la yeelan doontaa, wasiirrada , madaxa ICAO iyo ururrada ka qeybgalaya shirka , si looga miro-dhaliyo gaarista himilada Soomaaliya oo ka mid noqota dalalka ugu horumarsan duulimaadyada iyo maamulka Hawada.

Related Items


Leave a comment