Ururka Ahlu-suna waljameeca oo ku dhawaaqdey iney garab siineyso dowlda Dhexe iyo ciidamadda macwisley Kuna biirayaan dagaalka.

Friday September 30, 2022 - 09:50:53
0 Comments
399
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Meeraysane media
(DHUUSMAREEB):Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah hogaamiye mayal adag kanamid hogaanka sare ee urur diimeedka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa soo dhaweeyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaannada maamulka goboleedka Galmudug, waxa uu madaxda dowldda ku bogaadiyay shaqada howlgalkaan.

Shiikha ayaa ku dhawaaqey inay qeyb ka yihiin dagaalka lagula jiro dagalamayaasha AS isla markaasna aysan iyaga duulaan ku aheyn dowladda dhexe iyo maamulka galmudug midna.

Shaakir ayaa intaa ku daray in iyaga iyo dowladda dhexe uu u socdo wada-hadal, balse ma faahfaahin shaakir nooca wada hadalkaas.

Dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku eedeeyey in ay kusoo duushay ururka Ahlu Sunna, wuxuuna sheegay in dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Shiikh ay ka duwan  tahay middii hore maadaama ay awoodeeda dhan isugu geysay inay dalka ka xoreyso kooxda AS.

''Ahlu Sunna Waljamaaca waxa ay Dadka u tababartay in ay iska dhiciyaan Cadawga, Sideedaba marnaba Ahlu sunna lama dagaalamin Dowladda Federaalka, Dowladdii hore iyadaa kusoo duushay iyada & waxeedii way isla tageen, Dowladda cusub markii ay ku dhawaaqday ficilkii aan sameyn jirnay in ay sameynayaan in aan ku garab istaagno" Ayuu yiri Sheekh shaakir.

Sikastaba Hadalka Sheekh Shaakir ayaa kusoo aadaya xilli weli uusan jirin wax heshiis ah oo laga gaaray dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay oo degmooyinka Dhuusamareeb & Guriceel ku dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa Ahlu-sunna dhamaadkii sanadkii 2021.

Related Items


Leave a comment