DEG DEG: Taliye Farxaan Qaroole oo lagu diley qarax ka dhacey Deegaanka Basra...FAAHFAHIN.

Friday September 30, 2022 - 13:33:04
0 Comments
377
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Meeraysane media:
(MUQDISHO):Taliyihii ciidamada Booliska gobolka Banaadir sidookalana ahaa taliyaha booliska gaar ah ee Haramcad, Ayaa maanta Qarax miino ugu geeriyoodey  kaas oo ka dhacey duleedka Degmada balcad oo qiyaastii 30km u jirta muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsadey miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Basra oo lagu magacaabo Laba-buundaale oo ah marka laga baxo degmada Balcad oo loona dhaqaaqo jihada dhulka beeraha ah.

Farxaan Qaroole ayaa watay gawaari nooca xabadda aysan karin ah, balse waxa uu qaraxa kahor ka degay gaariga waxaana kadib ku qaraxday miinada oo dhulka lagu aasay, ayada oo wararka qaar ay sheegayaan inuu ku istaagay. Miinada ayaa qaraxday xilli ay ciidamada iyo saraakiisha wadaan howlgal miino baaris ah oo laga sameenayey inta u dhaxeyso deegaanada Balcad iyo Basro.

Farxaan Qaroole ayaa dhiiraagalin ugu tagay ciidamada goobtaas ku sugan ee qeybta ka ah howlgalka Al-Shabaab looga saaray Basra. Waxa uu ka mid ahaa taliyayaashii hoggaaminayay howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda agagaarka Basra.

Sidookale Wararka ayaa tilmaamaya in qaraxu dhimasho iyo dhaawac u geystey askar kale oo katirsan ciidamada dowladda.

Ugu danbeyn Al-Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyadda qaraxa lagu dilay Farxaan Qaroole.



Related Items


Leave a comment