Soomaali lagu diley Koonfur Afrika oo meydkooda laga heley..FAAHFAHIN.

Sunday October 02, 2022 - 10:55:11
0 Comments
368
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Meeraysane media
Ila wareedyo ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaaliyeed, oo sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan dalkaas lagu dilay duleedka magaalada Cap Tow ee waddanka Koonfur Afrika.

Weerarka lagu dilay ganacsatadan oo labo ahaa ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Guguleti oo hoostaga Cape Town.

Wararka ayaa sheegaya in burcad hubeysan oo Koonfur Afrika u dhalatey ay ka dambeeyeen dilka ganacsato soomaali ah iyaga oo lagu diley goobahooda ganacsiga.

AUN labada nin ayaa waxaa lagu kala nagacaaabi jiray Cabdullaahi Maxamuud iyo Cabdullaahi Dheere, waxaana meydadkodoa meesha ka qaaday soomaali kale.

Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Related Items


Leave a comment