Deg deg: Jubaland Oo ku dhawaaqdey Diyaar garow iyo Guluf colaadeed oo ka dhan ah Alshabaab..faahfaahin.

Monday October 03, 2022 - 10:02:43
0 Comments
473
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Meeraysane media
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubaland ayaa waxa looga dhawaaqey  diyaargarow iyo guluf dagaal oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Jubaland ayaa dooneysa inay ku biirto hawlgallada ka soconaya qaybo ka mida gobolada dalka, ee ujeedkiisu yahay in Al Shabaabka looga bixinayo goobaha ay ka joogaan dalka.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa abaabul iyo diyaargarow ciidan ka wada xeryaha ku yaala duleedyada magaalada Kismaayo.

Saraakiisha ayaa Sabtidii kormeeray xeryaha Ciidanka Daraawiishta, iyagoona ciidamada ku wargeliyay inay u diyaargaroobaan, sidii guluf mideysan loogu qaadi lahaa Al-Shabaab.

General Ismaaciil Saxardiid Keydsane oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay inay ka qayb qaadanayaan hawlgalada uu yoolkoodu yahay in lagu wiiqo Shabaab.

"Waad ogtihiin dalka Somaliya waxaa ka socdo maanta, dadkii shacabka ahaa ayaa waxay go’aansadeen inay iska dulqaadaan cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab, annagana wixii hadda ka dambeeyo dhufeyska aad ku jirteen muddada dheer ee 8-da sano ku dhow, kuma sii jiri doontaan, Insha’Allah. Waan kacaynaa, dhufeyskana waan ka baxaynaa, goobaha ay jooggaan iyo meelaha ay naga soo weerarayeen baan aadaynaa,” ayuu yiri General Ismaaciil Saxardiid.

General Keydsane ayaa yiri "Waxaan haysanaa Dowladda Soomaaliyeed iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland oo isku xiran, gacmo wadajir bay wax ku gooyaanee oo maanta is haysto oo is taageerayo, baahida aad qabteena soo haqabtireyso.”

Dhanaka kale Taliyaha Ciidanka Booliska Jubbaland, General Maxamed Sheekh Cabdi Xujaale ayaa isna hadal kooban ku yir "Howlaha dhaqaaqay aad arkaysan ee dabeysha ah ee meel walba ka dhaqaaqay ee sifeynta cadowga ah ayaa la gelayaa.”

Waxa uu intaas ku daray "Waxaad sugeyseen oo maanta wax idinkaga farxad badan ma jiro in la idiin yiraahdo berri Jamaamaa la tagayaa ama Xagar ama waxaa la qabanayaa Jilib, wax idinkaga farxad badan inaysan jirin waan ogahay. Waa waxaad sugeyseen, wixii la sugaaba mar bay dhacaan, Ilaahay baa ku mahadsan, waana xaqiijin waxa taagan ee dhaqaaqi lahaa, sidii ay u dhaqaaqi lahaayeen xaqiijinteeda weeye.”

Sikabata ha ahaatee is diyaarinta Jubaland ee dagaalka ka dhan ah AS, ayaa kusoo aadaya xili maamulada Hirshabeele, KG iyo Galmudug ay dirir adag is wajahayaan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Related Items


Leave a comment