DEG DEG: Jugta Labo Qarax Oo aad u Culus oo laga maqley Gudaha Magalada BALEDWEYNE..faahfaahin.

Monday October 03, 2022 - 11:57:18
0 Comments
457
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Meeeaysane media:
(BALEDWEYNE):Wrar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo is xigxigey oo ismiidamin ah kuwaas oo goordhow ka dhacey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee soomaaliya.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari xamuul ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa waxaana xigay rasaas, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada lagu bartilmaameedsaday xerada Lama Galaay oo ah halka ay ku taallo xarunta madaxtooyada maamulka HirShabelle, isla-markaana ay ku shaqeeyaan mas’uuliyiinta sar sare ee maamulkaasi iyo sidoo kale kuwa gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana socdo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay. sidoo kale khadka isgaarsiinta ayaa cuslaaday, kadib qaraxyadaas.

LASOCO WIXI KA SOO KORDHA #Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment