Qasaare Dhimasho iyo dhaawac ka dhashey Qarax maanta gilgiley BALEDWEYNE..faahfaahin

Monday October 03, 2022 - 14:07:03
0 Comments
443
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Meeraysane media
(BALEDWEYN):Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka imaanaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo maanta gilgilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kuwaas oo ahaa ismiidaamiin, sida ay shaaciyeen laamaha amniga ee maamulka Hirshabeele.

Tiro labo Qaraxya oo loo adeegsaday gawaarida nooca xamuulka qaad, ayaa lagu weeraray xerada Lama Galaay ee gudaha Magalada Baladweyn.

Warar aan heleyno ayaa tilmaamaya in qaraxa  koowaad uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta, halka qaraxa labaad uu isna lala eegtey gudaha dhismaha la weerarey.

Sidookale Wararka ayaa intaa ku daraya in qasaaraha  dhimashada ilaa uu gaareyso 10 qof oo isugu jiro mas’uuliyiin, askar iyo dad shacab ah, Halka dhaawacyo badana lagaarsiiyey goobaha caafimaadka.

Xaaladda baladweyn ayaa weli mid cakiran, waxaana socda tirakoobka khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadaan oo sidoo kale geystay burbur hatiyadeed oo xoogleh.

Weerarkan qaraxyada loo adeegsaday ee ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa ku soo aadayo, xilli Gonolka Hiiraan ay ka socdaan howlgallo culus oo ay sameynayaa ciidamada dowlada iyo macawisleyda deegaan kaas oo ka dhan ah Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Related Items


Leave a comment