Daawo:Joe biden oo hada qirtey bahdilkii siyaasadeed ee uu sacuudiga kala kulmey.

Friday October 07, 2022 - 18:35:10
0 Comments
440
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Meeraysane media:
(USA):Madaxweyne Joe Biden ayaa Khamiistii qirtay inuu guuldarreystay mid ka mid ah siyaasadiisa  arrimaha dibedda,
guuldarada uu tilmaamey Joe Biden ayaa ah bahdilka kaga yimid Maxamed Bin Salmaan kadib markii uu Ku salaamey gacan duuban ama salaan tantooba ah.

Kulankii yaabka lahaa ee Biden uu July la yeeshay Maxamed Bin Salmaan ayaa ahaa isku day uu ku hagaajinayey xiriirka quwadda ugu saameynta badan shidaalka caalamka, xilli Mareykanka uu raadinayey caawimaad la xiriirta sare u kaca shidaalka ee ka dhashay duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine.

Salaantaas lagu bahdiley MW.USA saddex bil kahor waxaa xigtey dharbaaxo weji gabaxa oo toddobaadkan ka timid Amiir Maxamed, taasi oo ah xiriir ay sameynayaa dalalka shirkadaha shidaalka ee OPEC iyo Xukuumada Rusia.

Tallaabadan ayaa sare u qaadeysa qiimaha shidaalka kana careysiin doonta cod-bixiyayaasha Mareykanka kahor doorashada dhexe ee Mareykanka ee dhacaysa November, taasi oo wiiqeysa rajadii Biden iyo Dimoqraadiga.

Mar wax laga weydiiyey ficillada Sacuudiga, Biden ayaa weriyayaasha u sheegay Khamiistii "Inay aheyd niyadjab, ayna muujineyso inay dhibaato ka jirto” xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga.

Xubno Dimoqraadi ah oo ka tirsan Congress-ka ayaa Mareykanka ugu baaqay Khamiistii inuu joojiyo siyaasadda tobaneeyada sano jirta ee Mareykanka uu hubka uga iibiyo Sacuudiga, kuna siiyo ilaalinta militari.

Waxay ku eedeeyeen Amiir Maxamed inuu isaga joojiyey inuu dhanka Sacuudiga ka ilaaliyo iskaashigan istaraatiijiga ah ee jiray in ka badan 70 sano.

Sikastaba cilaaqaadka xumaanaya ee Riyaad iyo Washiton ayaa ku soo beegmay xili quwadaha mareykanka iyo Rusia uu cirka ku jiro dagaalkooda diplomasiyadeed, iyada oo waliba laga cabsi qabo inuu dirir toos ah dhexmarto labada dalka.

Related Items


Leave a comment