Daawo: Maxuu MW Xasan sheekh kala hadley Dhigiis Yuweri Musaveni? Faahfahin Qodobo Xasaasi ah.

Monday October 10, 2022 - 19:11:36
0 Comments
516
Khadar Weyrah
Meeraysane Media
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Kampala oo uu booqasho ku joogo kula kulmay dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Villa Somalia, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Museveni kala hadlay xasilloonida gobolka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda.
"Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Madaxweyne Yoweri Museveni halganka wadajirka ah ee ay wadaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si ay isaga dulqaadaan argagixisada Alshabaab oo caadeysatay gumaadka dadka Soomaaliyeed, caqabadna ku ah horumarka iyo xasilloonida dhammaan dalalka gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degeen maalintii shalay, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doorka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
"Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni  ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliyeed guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada laga xoreeyey, isagoo carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa oo door weyn ka qaatay nabad ilaalinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii Villa Somalia ayaa xustay in madaxweyne Museveni uu uga mahadceliyey Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa oo ka qeyb-galay xuska 60-guurada xornimada dalkiisa, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka dalka Uganda.

Sikastaba qorshaha safarka madaxweyne Xasan sheekh ayaa salka kuhaya sidii uu Museveni uga heli lahaa kaalmo dhanka hubka ah si loogu xoojiyo dagaalka ay dowladu kula jirto Al-Shabaab.

Related Items


Leave a comment