5sano Ka dib Masuubadii Qaraxii Zoobe maxaa iska badaley dareenka bulshada.

Sunday October 16, 2022 - 09:43:50
0 Comments
652
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Meeraysane Media:
(MUQDISHO): 14-kii October 2017-kii salaadii casir kadib waxaa dhacay qarax uu qof walba oo Muqdisho joogay xilligaas u mooday inuu ka dhacay illinka hore ee gurigiisa, waxaana daqiiqado kooban kadib soo yeeray aqbaar aan u wanaagsaneyn dadka reer Muqdisho iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, taas oo aheyd inuu qarax xooggan ka dhacay Isgoyska KM 5 ee magaalada Muqdisho.

Jawiga isgoyska Zoobe qaraxa ka hor wuxuu ahaa mid saxmad iyo mashquul badan hareeyey kadib markii gawaari waaweyn oo kasoo baxay dekadda magaalada Muqdisho, Bajaaj aan tirsi laheyn oo ay dad shacab ah saarnaayeen, gawaari raaxo oo aan xisaab laheyn, dad badan oo inta cariirigii jiray sugi waayey lugtooda isticmaalayey, xoogsato shaqo sugayaal ahaa oo ay meesha saldhig u aheyd iyo ganacsato nolol maalmeedkoodii ku jiray ayaa ku sugnaa goobta.

Weerarkaasi bahalnimada ahaa waxaa ku geeriyooday dad ka badan inka badan 600 oo qof iyo tiro intaa kabadan ko dhaawac ah, waxaana ku burburtay hanta aad u badan, guri walba oo Soomaaliyeed ayuu gaaray xanuunka khasaarihii ka dhashay qaraxii Zoobe.

Wuxuu ahaa qaraxii ugu khasaaraha badnaa taariikhda dhibaatooyinka iyo qaraxyada Soomaaliya. Waxaa isbitaalada Muqdisho buux dhaafiyey dhawaacyada, meydadka gubtay ee la garan waayey, dad baadi goob ugu jira dadkoodii, kuwa dhiig shubaya iyo dad u kacay inay si bileesh ah uga qeyb qaataan daaweynta dhaawacyada

Qaraxaas kadib waxaa dhashay kacdoon dadweyne, dhallnyaradii Muqdisho iyo guud ahaan dadkii waxgalka ahaa ayaa dibadda u soo baxay, iyagoo u careysay Al-Shabaab, laakiin nasiib darro dadkii maalintaasi dhintay shan sano kadib weli ma helin cadaalad.

Kacdoonkii curtay dowladdii xilligaasi jirtay kama faa’ideysan, mana jirto cid dambe oo wax iska waydiisay xasuuqii Soobe, waxaa sii naaxay Shabaab-kii dadkaas laayey, saacad kastana waxaa laga filan karay fal ka fool xun kii Soobe ka dhacay.

Waxaa intaasi dheeri ku ah in dalku uusan weli u diyaarsaneyn ka hor tagga musiibo noocaas oo kale ah iyo maareynteeda haddii ay dhacdo.

Tallooyinkii la bixiyey xilligaasi si dalka loogu diyaariyo ka jawaabista xaaladahaasi adag lama dhaqan gelin, dowladdii horana waa ka gaabisay arrintaas.

Iyadoo shidaal laga dhiganayo xusuustaan murugada badan iyo in aysan soo noqon dadku waxay ku talinayaan in dagaalka socda daacad laga noqdo, si loosoo afjaro kooxda Al-Shabaab oo muddo fog dhibaato ku heysay shacabka Soomaaliyeed.

Inkastoo 5 sano kadib isgoyska Zoobe laga dareemayo nolol caadi ah, hadana waa xasuus xanuun badan oo mar walba hortaalla dadka Soomaaliyeed in Al-Shabaab laga adkaadana waxaa loo arkaa midda ugu dhow ee dhayi karta boogaha xasuuqii dhacay.

Madaxda hadda hoggaamisa dowladda waxaa la filaayey inay dagaalka socda uga faa’ideystaan munaasabadaan oo ay ku heli lahaayeen ciidan iyo cudud shacab, laakiin si weyn loogama dareemin dhankooda.

Related Items


Leave a comment