DAAWO: MW Xasan Sheekh maxamud Oo Bilad sharaf ku taxey wiilashii ku guuleystey koobka 17jirada B/Bartamaha Afrika.

Monday October 17, 2022 - 20:23:43
0 Comments
524
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Meeraysane Media:
(MUQDISHO):Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta munaasabad uu heerkeedu aad u sareyo ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka xulka 17 jirrada ah ee ku guuleystay tartanka kubada cagta ee qaramada Bariga iyo bartamaha qaarada Afrika.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay xulka inay kor u qaadeen magaca umadda Soomaaliyeed, dhallinyarada dalkana ay u fureen iridaha guusha.

Madaxweynaha oo ay garbihiisa taagan yihiin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa hadiyado iyo billad-sharafyo guddoonsiiyey maamulka, macalimiinta iyo ciyaaryahannada xulka 17-jirrada ee guushan taariikhiga ah u soo hoyey qarankeenna.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha khudbad bogaadin iyo dhiirri-gelin ah u jeediyey dhallinyarada, isagoo uga warbixiyey sida ay dowladda uga go’an tahay in gacan ay kula dagaallanto argagixisada Alshabaab, gacanta kalena mustaqbal ifaya ugu abuurto dhallinyarada Soomaaliyeed.

"Dhallinyarada 17-jirka ah ee maanta magacaas inoo soo hoyey iyo dhiggooda geesiyaasha ah ee furimaha dagaalka ka difaacaya dadkooda waa labo ifafaalo oo muujinaysa kartida iyo waxa ay qaban karaan shacabka Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyntiina Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo uu matalayey Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Mudane C/llahi Sheikh Nuur ayaa madaxweyne Xasan Sheekh guddoonsiiyey koobka ay ku soo guuleysteen xidigaha soo kacaya ee Qaranka, waxa uuna uga mahad-celiyey maamuuska iyo dhiirri-gelinta uu u sameeyey bahda ciyaaraha dalka.

Related Items


Leave a comment