War Cusub: Gudoomiyahii Maxkamada Gobolka Banaadir Waa Xil ka qaadis lagu sameeyey..

Thursday October 20, 2022 - 12:02:59
0 Comments
555
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Meeraysane Media:
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta garsoorka gobolka Banaadir, wuxuuna xilka qaadis ku sameeyey gudoomiyihii Maxkamadda gobolka Banaadir iyo midka racfaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo xaqiijiyey xilka qaadista haatan lagu sameeyey guddoomiyihii maxkamadda gobolka Banaadir, Cabdiqadar Maxamed Xasan, waxaana xilkan loo magacaabay Garyaqaan Salah Ali Dabaan, sida ay wararku sheegayaan.

Sidoo kale waxaa xilka guddoomiyaha maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir isna loo magacaabay Garyaqaan Saciid Cali Maxamed (Gureey), sida wararku tilmaamayaan.

Mas’uuliyiinta cusub ee la magacaabay ayaa sidoo kale la faray inay si deg-deg ah ula wareegaan xilalka loo magacaabay, isla-markaana ay gutaan waajibaadka loo igmaday.

Isbeddalkan ayaa ah mid la filayey, maadaama uu horey madaxweyne Xasan Sheekh uu shaaciyey inuu wax ka beddal ku sameyn doono guud ahaan hay’adaha garsoorka dalka.

Madaxweynaha ayaa dhowaan xilkiisii hore dib ugu celiyey guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida, Liibaan Cali Yarow oo uu horey shaqada uga eryey madaxweyne hore Maxamed C.laahi Farmaajo.

Si kastaba Tallaabadan cusub ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmo kahor madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu kala diray guddiga garsoorka dalka iyo kan la dagaalanka musuq-maasuq, isaga oo sheegay in hanaan baal-marsan sharciga lagu dhisay labadaas guddi.

Related Items


Leave a comment