Warar Cusub oo ku soo kordhey Shirka Madaxda Dowlada iyo maamulada dalka.. FAHFAAHIN

Saturday October 29, 2022 - 10:00:41
0 Comments
50
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Meeraysane Media:
(MUQDISHO):Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socdo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo Maamulka gobolka Banaadir, kaas oo Khamiistii ka furmay xarunta Villa Soomaaliya.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo ay ka qayb-galayaan ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Bare, guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka.

Madaxda shirka ku sugan ayaa shalay nasiino galay, maadaamo ay aheyd Jimco, waxaana la filayaa in shirka maanta la sii amba qaado, si looga sii doodo qodobada miiska saaran.

Dhinacyada ay dooda u dhexeyso ayaa sidoo kale saacadihii ugu dambeeyey yeeshay kulamo gaar gaar ah, ayaga oo ka arrinsanayaa xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka.

Arrimahga laga wadahadlayo waxaa ka mid ah amniga, gaar ahaan la dagaalanka Al-Shabaab, Xirirka wada shaqeynta maamulada iyo Dowlada dhexe, arimaha shidaalka iyo bani’aadanimada.

Xogo hoose ayaa tilmaamaya in golaha ay isla meel dhigayaan in dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada isku waqti uu ka dhamaado xilka, si aan howlo doorasho aan looga mashquulin dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

Qoddobkaan ayaa ka mid noqon doona war-murtiyeedka la filayo in uu kasoo baxo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Shirka ayaa la filayaa in la soo gabagabeyn doono gelinka dambe ee maanta, ayada oo la soo saari doono war-murtiyeed qodobeysan oo ay isku raaci doonaan madaxda dowlada dhexe, kuwa dowlad goboleedyada & duqa Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiska ku soo laabtay 15-kii May ee sanadkan 2022 ayaa kulamo hore la yeeshay madaxda maamul goboleedyada, isagoo kala wada hadlay sii amba qaadida howlaha waa weyn ee horyaalla dowladdiisa cusub iyo sidoo kale wada shaqeynta labada dhinac.

Related Items


Leave a comment