DEG DEG: Jugta Qaraxyo waaweyn oo laga maqlayo gudaha Magalada Muqdisho.

Saturday October 29, 2022 - 14:38:10
0 Comments
540
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Meeraysane Media:
(MUQDISHO): Warar iyo faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo is xig-xigay oo goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxyada oo ahaa 2labo ayaa jugtooda si weyn looga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaana la soo wariyey inay ka dhaceen agagaarka isgoyska Zoobe, gaar ahaan dhismaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in rag hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha xarunta wasaaradda, waxaana laga maqlayaa rasaas xoogan, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana jira khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, maadaama goobta ay ka dhaceen ay tahay mid maqshuul bada.


Related Items


Leave a comment