Dowladaha Xiriirka wanaagsan soomaali laleh oo Cabbaareeyey Qaraxyadii lagu hoobtey.

Sunday October 30, 2022 - 09:46:30
0 Comments
624
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Meeraysane Media:
(MUQDISHO):Dowladda Turkiga iyo qaar ka mid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka dhow la leh Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weeraradii qaraxyada ahaa Sabtidii shalay ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Fariin qoraal ah oo ka soo baxdey wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa looga hadlay weeraradan oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoogan.

Dowladda Turkiga ayaa tacsi u dirtay dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, kadib dadkii ku dhintay qaraxyadaas, ayada oo kuwa dhaawac ah u rajeysay caafimaad.

"Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan argagaxisada ah, Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, waxaan tacsi u direynaa ehelada, qaraabada iyo sidoo kale dowladda aan saaxiibada iyo walaalaha nahay ee Soomaaliya, inta dhaawacantayna waxaana u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, ayaa kulamo doceedyo kula yeeshay caasimada Algiers intii uu socday kulanka loogu gogol-xaarayay shir madaxeedka Carbeed ee 31aad, ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Ciraaq iyo qaar kale oo dhiggiisa ah oo ay ka mid yihiin, wasiirada arrimaha dibadda dalalka Suudaan, Liibiya, Falastiin iyo Sheikh Khalifa bin Ali Al-Harthy oo ah agaasimaha wasaaradda arrimaha dibadda Cumaan u qaabilsan arrimaha diblomaasiyadda.

Dhamaan masuuliyiintaan ayaa cabaareeyey qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaga oo tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen weeraradaasi.

Sidoo kale waxa ay ballan qaadeen in ay ka qayb qaadan doonaan gurmadka caafimaad ee loo fidinayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadii gilgilay Zoobe.

Sikastaba ha ahaatee qaraxyadan oo ay mas’uuliyaddoodu sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa ku soo aadaya, xilli haatan dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ay horkaceyso dowladda Soomaaliya.

Related Items


Leave a comment