Madaxweynaha DFS Oo Maanta Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada XFS.

Monday November 13, 2023 - 18:20:10
0 Comments
88
ahmed raajaa
MUQDISHO

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay kulan degdeg ah oo looga hadlayey saameynta ka dhalatay roobabka wata daadadka xooggan ee ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.

Shirka oo uu guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa Madaxweynaha warbixin ku saabsan gurmadka socda ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumad2da JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo sheegay in xukuumaddu ay guddi heer qaran ah u saartay wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay El-nino.

Madaxweynaha oo kulanka ka hadlay, ayaa ku ammaanay xukuumadda dadaalka ay gelisay samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka iyo daadadka, isaga oo ku boorriyay xubnaha guddiga in ay labo jibbaaraan dadaalkooda.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in dadka looga digo inay ka fogaadaan goobaha qatarta ah, sida meelaha godan iyo goobaha biyo mareennada ah.

Xigasho sonna 
Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment