Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Oo Maanta Shir-guddoomiyey kal fadhiga 53-aad Ee Golaha Wakiilada Puntland

Monday November 13, 2023 - 20:48:11
0 Comments
126
ahmed raajaa
GALKACYO
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha wakiilada iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kal-fadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada.

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey akhriska 2-aad ku sameeyey Xeeraka Dakhliga Cashuuraha Berriga Puntland.

Golaha ayaa warbixin ka dhegeystay, tasoo la la xiriirtey latashiyo uu la yeeshay dhammaan Hay’adaha uu khuseeyo Xeerka iyo wax-ka-bedelka Qodobo kamid ah Xeerka.

Sidoo kale Golaha ayaa  guda galay ka doodista Xeerka qodob-qodob, si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland.

Waxaana laga dooday Xeerka dhakhliga Cashuuraha Berriga Puntland taas oo ujeeddadiisu yahay in la tayeeyo qaabka dhakhli uruurinta  cashuuraha Berriga Puntland iyo in muwaadiniintu ay bixiyaan cashuuraha ku waajibey si dawladdu u fuliso adeegyada kala duwan ee loo qabto bulshada.

Gaba-gabadii dooda wax-ka-bedelka Xeerka Dakhliga Cashuuraha Berriga ayaa socon-doona ilaaa maalinta berri oo ku beegan 14 November, 2023 si waafaqsan Qodobka 58-aad ee Xeerka hoosaadka Golaha Wakiillada. 

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment