Gacan ku Dhiigle Dhawaan Dilka Geeystay Degmada Guriceel Oo Gacanta Lagu Soo Dhigay

Tuesday November 14, 2023 - 12:14:49
0 Comments
109
ahmed raajaa
GURICEEL
Guddomiyaha degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud Faarax Cabdi Macallin ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin loo haysto dil dhawaan degmadaas loogu geystay marxuum Cabdullaahi Cali Hudey.

Guddoomiyaha oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgallo dheer iyo dedaallo badan oo ay sameeyeen laamaha amniga iyagoo kaashanaya qeybaheeda kala duwan ee bulshada ay gacanta kusoo dhigeen gacan ku dhiiglaha afar cisho ka dib, taasina ay Alle ugu mahad celinayaan.

Gudoomiye Faarax Cabdi Macallin ayaa intaa raaciyay in ay ku wareejin doonaan gacan ku dhiiglaha laamaha cadaaladda si sharciga loogu qaado, wuxuuna intaas ku daray in tallaabadaasi ay tahay tan keliya ee ay bulshadu ku kala badbaadi karto amniga lagu adkayn karo.

Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment