Madaxweynaha JFS Oo Ka Hadlay Dagaalka Israa'iil Iyo Xamaas

Tuesday November 14, 2023 - 12:57:31
0 Comments
109
ahmed raajaa
Muqdisho
Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay shabakadda Arab News inta uu joogay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas lagu dhameyn karo heshiis siyaasadeed oo ah qaabka xalka laba waddan.

"Dadka Soomaaliyeed waxay muddo dheer ku jirneen colaad, weynu ognahay halka ay ku danbeyso shaqaaqada iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta iyo natiijada soo baxda marka ay dhamaato colaada ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaa ayaa xusay in qofna aysan gaari karin dhamaadka siyaasadeed iyadoo aan laga  hadlin sababaha keenay khilaafka iyo in la adeegsado rabshado ay maalin kasta ku bixi karaan dad rayid .

"Waxaa jira xal caalami ah oo la aqbali karo waana laba dawladood oo ah Falastiin iyo Israa’iil ,isla markaana ku wada nool si nabad ah wayna dhici kartaa” ayuu yiri madaxweynaha.

"Aasaaska dowlad Falastiiniyiintu leeyahiin oo xuduudaheeda yahiin kuwii Juun 1967, caasimadeeduna tahay Qudus. waa dammaanada kaliya ee gobolka uu uga baxayo dadagaalka” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay shirka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee dhawaan ku dhamaaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku daray "Waxa ka socda Qasa waxay ka soo horjeeddaa damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan. Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka”.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment