Xuska Maalinta Caalamiga ah Ee Cudurka Sonkorowga Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Tuesday November 14, 2023 - 17:11:34
0 Comments
122
ahmed raajaa
MUQDISHO
Munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee cudurka Sonkorowga oo ay qabanqaabisay wasaaradda caafimaadka dowladda FS waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda oo uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaad iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan bullaale, xildhibaano, Dhaqaatiir, hay’ado caalami ah iyo kuwa maxali ah, maamulada Isbitaalada dowliga ah iyo kuwa gaarka loo lee yahay, khuburo caafimaad iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda xuska maalinta Sokorowga waxaa barbar socday inta ay socotey baaritaano bilaash ah oo ku saabsan xanuunka Sokorowga iyadoo qeybta Cudurada aan Faafin (Non Communicable Diseases) ee wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto wacyi gellinta xanuunka Sokorowga guud ahaan bishan.

Hal ku dhigga sanadkan ee xuska maalinta Sokorowga aduunka ayaa ahaa ‘Helidda adeegga caafimaadka cudurka Sokorta, waxaana wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ay xoogga saaraysaa kor u qaadida wacyi gelinta bulshada Soomaaliyeed, si looga baaqsado halis kasta oo ka dhalan karta wacyi gelin la’aan iyo feejignaan xili hore ah, taas oo hoos u dhiga karta tirada uu haleelo xanuunkan sanad kasta.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment