8-Ruux Oo Ku Geeriyootay Fatahaadda Wabiga Shabeelle Ee  Baladweyne

Wednesday November 15, 2023 - 13:19:44
0 Comments
284
ahmed raajaa
BALADWEYNE
8-qof ayaa ku geeriyootay fatahaadda wabiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne 24-ktii saac ee la soo dhaafay, sida ay xaqiijiyeen maamulka degmada Baladweyne.

Duqa magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa sheegtay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay magaaladu wajahaysay fatahaado baaxad leh, halka dhowr marna ay jabsadeen biyo xireennadii la sameeyay, kuwaas oo sababay qasaara nafeed iyo mid maaliyadeed

Duqa baladweyne ayaa tilmaamay in hay’adaha samafalku ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameeyeen fatahaaduhu, waxayna deeq bixiyayaashu ka codsatay in ay gar-gaar bini’aaddan-nimo la gaaraan dadka ku barakacay duleeddada magaalada iyo kuwa ku xanniban xaafadaha baladweyne.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment